halkani waa garoonka diraha shati gaduud ee magalda baydhabo waxa ku sugan haween aad ulasbisan ardayda iskuuladka ,sarakisha kala duwan ciidamada xildhibaano waziiro katirsan mamul gobaleedka konfur galbeed kuwaso diyar u ah soo dhabaynta madax waynaha sharif xasan shikh adan
markii ay soo caga dhigatay diyaradii siday madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu mid mid u gacan qaaday dadkii u taagnaa soo dhawayntiisa kuwaasoo uu ugu horeeyay kusimaha bmadaxweynaha ahna wasiirka beeraha iyo waraabkan Maxamed xasan Fiqi.
waxaa uu madaxweynaha markii lagu soo dhawaynayay garoonka ay ku soo bandhigeen ururada haweenka 10ka xaafadood ee magaalada baydhabo ciyaaro dabaaldagyo ay ku soo dhawaynayaan madaxweynaha.
waxaa uu madaxwynaha kula hadlay saxaafada gudaha garoonka isagoo uga warbixiyay wixii u soo qabsoomay mudadii uu ka maqnaa magaalada baydhabo iasagoo madaxwynaha soo hadalqaaday doorashadii ka dhacday muqdisho iyo sidii ay uga baxeen balanta xildhibaanadii usu sharaxay gudoonaka baarlamaanka soomaaliya.
kadib madaxweynaha waxcaa loo soo kaxeeyay madaxtooyada koofurgalbeed halkaasna waxaa uu kulan kula yeeshay golihiisa wasiierada iyo ha’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo gaarka bani’aadanimada ee Q.M ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
isagoon ku hakan madaxweynaha madaxtooyada ayuu horay wuxuu ugu gudbaya xaroyinka ay ku jiraan bara kacayashsa ay samaysay abaarta kajirta deganada mamulka konfur galbeed somaliya waxaana uu u sheegay madaxweynaha barakacayaasha in maamulkiisa uu dadaal u gali doono sidii loogu heli lahaa gargaar heer caalami ah inta ilaaheey cirka uu raxmadsiisa ka soo shubayo.
sidoo kale madaxwerynaha waxaa uu ku booqday isbitaalka bukaanada qaba cudarka shubanbikyoodka isagoo warbixin ka dhagaystay maamulka isbitaalka .
kadibna madaxwerynaha ayaa kula hadlay bukaanada isbitaalka isagoo ilaahay uga baryay inta jiifta in uu ilaaheey siiyo caafimaad aafada cudurkana ilaaheey uu ka xijaabo.
sida maanta loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Magaalada Baydhabo waxaa ay ahayd mid aad uga duwan kiwii hore iyadoo soo dhawayntiisa maanta ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoon loo kala harin.
wariye Feysal Dhayow Xuseen