Shir ay qaban qaabiyeen ururka Golaha Badbaadda Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhacay Hotel Jazera Mogadisho Soomaaliya. Shirkaasi oo looga tashanayay abaaraha ka taagan Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qayb galay Kusimaha Madaxwaynaha Soomaaliya Prof. Jawari, Rasail Wasaaraha Omar Abdirashiid, Musharaxiin ayka mid ahaayeen Farnaajo, Sheikh Sharif iyo xildhibaano badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Shirkaasi waxaa hogaaminaayay masuul sare oo ka tirsan Golaha Bdbaada Koonfur Galbeed Mudane Abdulaahi Sheekheey.
Shirkaaas waxaa ka hadlay Mudane Jawari oo sheegay in dad badan oo gaaraaya 3 milyan ay qatar ugu jiraan inay ku naf waayaan abaartaan hadaanan Gurmad deg- deg ah la gaarsiin, waxaa kale uu Jawari ku daray in 500.000 oo ciyaal ah ay qatar ku sugan yihiin, waxaa maanta shirkaas lagu aruuriyay lagac gaareeysa 100.000 oo dolaar.
Mudane Abdulaahi Shekheey waxaa uu sheegay in dhibka ka taagan Gobolada Koonfur Galbeed ay la mid tahay mida ka taagan Falastiin waayo waxaa jira degmooyin badan oo xiran nabad gelyo daro awgeed.
https://www.youtube.com/watch?v=vr_7jfMnRao