Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho , gaar ahaan degmada Waabari.
Saraakiisha Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa booqday Hoteelka Saaka lagu qaaday Qaraxyada oo ah Hoteel Dayax.
Dhaawacyo fara badan ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, dadkaasi oo ah kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Hotelka Dayax .
Dadka dhaawaca ah ee Isbitaalada la geeyay ayaa waxaa ka mid ah Suxufiyiin Sawir qaadayaal ah, kuwaasi oo iyaga oo ku sugan goobta ku dhaawacmay qaraxii labaad ee gaariga ahaa ee ka dhacay Banaanka Hotelka.
Wasiirka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in mid ka mid ah Qaraxyada loo adeegsaday Gaari Dhayno ah oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.
Wasiirka ayaa xusay in xildhibaano sidoo kale Siyaasiyiin ku jiray Hoteelka ay badbaadeen.
Kooxaha Weerarka soo qaaday ayuu sheegay in ay galeen guri u dhow Hoteelka laakiin aysan gelin Hoteelka.
Waxuu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay soo Afjaraan weerarkaasi.
Sidoo kale Wasiirka ayaa Xusay in Qaraxyadii Maanta ka dhacay Hoteelka Dayax ay ku dhinteen 10 qof ,50 kalena ay ku dhaawacmeen.