Abaaro ayaa ka jira deegaanada koofur galbeed Somalia waxaana socda dadaalo ay wadaan bulshada Rayidka ah ee u dhalatey deegaanada koonfur galbeed kuwaasoo kala jooga dalka iyo dibadiisa
Maryan cusman aadan, faadumo aadan sheikh, iyo hindiyo macalin aadan oo jooga dalka Sucuudiga ayaa dhaqaalo ugu tabarucay dadka ay heysato Abaarta ee ku jira xerooyinka kuyaala magaalada baydhabo
Gabdhahan waxey dhaqaalaha u soo mariyeen dadka tabaaleysan wasaarada dib u dajinta iyo jaaliyadaha koonfur galbeed
iyadoo Wasaaradana dhaqaalihii ugu iibisey raashiin iyo biyo
Kuwaaso ay u qeybisey dadkii loogu tala galey
Goobtii deeqda lagu qeybinaayey waxaa ka Hadley wasiirka shaqada iyo shaqalaha koofur galbeed jeynaani sh maxamed waxaa uu baaq u direy jaaliyada kale ee ku dhaqan dalka dibadsiisa in ay iyaguna kaalintoda ka qaataan gurmadka dadka loo sameynaayo .
Waxaa kaloo ka Hadley goobta dadkii ka faa’ideystey deeqda ay soo gaarsiisey wasaarada dib u dajinta iyo jaaliyadaha koonfur galbeed .
taa soo ay ka heleen gabdhaha muxsiniinta ah ee ku nool dalka sucuudiga .
Waa is xilqaan wanaagsan oo u hiiliyey dadka tabaaleysan xiligii loo baahnaa taageerada dhaqaale ay sameeyeen gabdhahan ka damqadey dadkooda ay abaarta saameysey .
https://www.youtube.com/watch?v=fD9gF41ktdY