Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ahaa aad u qalqal geliyey musharraxiinta isaga xilka madaxweyne kula tartamaya.
Xasan Sheekh ayaa xalay meel isugu keenay in ka badan 180 xildhibaan oo si cad u sheegaya iney Xasan dooran doonaan, taasi oo dad badan ka yaabisey.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Xildhibaannadan oo ay ku jiraan rag aad caan u ah ayaa bannaanka soo dhigey in aysan laab laab ku jirin cidda ay dooran doonaan, iyaga oo sheegay iney dooranayaan madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxay sheegeen xildhibaannada qaarkood oo hadlay iney dalkaan uu u baahan yahay in laga sii wado halka uu maanta joogo sidaasi darteedna ay Xasan codkooda siinayaan.
Xasan Sheekh ayaa isaga oo dhoola cadeynaya u mahadceliyey dhammaan xildhibaannada Labada aqal ee isaga taageerada gaarka ah u haya, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada xildhibaannadan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigey qorshihiisa waxqabad ee 4-ta sano ee soo aadan, isaga oo tilmaamay in dalkaan uu isbedal muuqdo keeni doono.
Musharraxiin badan ayaa aad ula yaabay tirada xildhibaannada ee taageersan Xasan Sheekh, qaarkoodna waxay ku laba shakinayaan iney hadaba doorashada isaga haraan.