Waxa Goordhow Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu ka tanaasulay Tartanka Doorashada Madaxweynaha ee Berri dhacaya, C/raxmaan Faroole oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha.
C/raxmaan Faroole ayaa Fariin u diray Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoona u jeediyey inay Musharaxiinta is bedel doonka ah inay Qaarkood isaga haraan Doorashada.