Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu ku guuleystay codod dhan 184 wareegii labaad ee cod bixinta doorashada.
Xasan Sheekh maxamuud ayaa sameeyay tanaasul, kaddib markii uu Farmaajo helay cododka ugu badan, taasoo xataa aanu u suura geli laheyn, hadii uu tartamo wareeg saddexaad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo sheegay in farmaajo uu wareega labaad uu helay 184, halka Xasan Sheekh uu helay 97, Sheekh Shariif ayaa isna helay 46 cod.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku dhiiraday inuu sameeyo tanaasul, maadaama uu arkay inuusan wareeg saddexaad ka guuleysan karin