Taliyaha Ciidanka Booliiska Koonfur galbeed Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ahna Taliyaha qeybta Guud ee Ciidanka Booliiska gobolka Bay ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan shaqada ay iminka ay hayaan isla markaana ay ka shaqeynayaan nabadeynta degaanada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa guud ahaan gobolada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada booliiska isla markaana ay kala shaqeeyaan sugida amniga degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaano ka tirsan gobolada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose, Waxa ayna mararka qaar halkaasi kula dagaalamaan Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deganaadaasi.
Halkan Ka DAAWO MUQAALKA
https://www.youtube.com/watch?v=Q54WYwv9sWA