500 boqol qoys oo danyer ah kana mid ah dadkii abaarta ka soo barakacay ee ku dhibaateysan xeriyaha dadka barakacay ee magaalada baydhabo ayaa waxaa maanta shirkada hormuud foundation qeybta baydhabo ay u qeybisey rashiin isugu jira bariis,bur,sonkor,saliid iyo timir. Goobta hormuud fandation rrashinkan ka bixineysay waxaa goob k aha gudoomiyaha gobalka bay,kan degmada baydhaboxildhibaano ka tirsan koonfur galbeed iyo madaxda shirkada hormuud oo deeqa rashiunka ah bixineysay. Cqaadir maxamed maxamuud iyo cabaas shariif cumar oo ka m,id ah madaxda shirkada qeybteeda baydhabo ayaa marka hore ka Hadley deeqa maanta danyerta u qeybiyeen. Gudoomiyaha degmada baydhabo claahi cali watiin iyo gudoomiyaha gobalka bay crashiid cl;aahi maxamed ayaa ku amaaney shirkada hormuud gurmadka ay u sameyneyso bulshada baarta saameysay. Gudoomiyaha maamulka gobolka bay C/rashiid cabdulahi maxamed iyo kan degmada baydhabo cabdulahi maxamed cali watiin ayaa dhan kooda ka mahad celiyey sheegeyna hormuud in waqtigii loogu tala galey deeqdan ay ku soo aadisey ayna ku boorineyaan dhamaan dadka wax heysta in lagar gaaro walaalahoda dhiban Hormuud fandation ayaa meelo badan oo ka mid ah gobalka bay waxaa ay ka bixisey gargar kala duwan oo ay ku caawineyso dadka abaarta sameysay.
https://www.youtube.com/watch?v=zgPsI27ndKc