Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa magcbaay Ra’iisul wasaarihiisa cusub, waxaa goob-joog ka ahaa Magacaabista Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana magcaabidda Akhriyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cali Fiqi.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in uu Ra’isul wasaaraha cusub uu ku soo magacaabay Kartidiisa iyo Aqoontiisa.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa ka codsaday Golaha Shacabka Soomaaliyeed inay ansixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan si uu guto waajibaadkiisa.
Farmaajo ayaa sheegay in 16 cisho gudahood uu ku soo magacaabay Ra’isul wasaaraha isagoona ka codsaday Markii ay baarlamaanka kalsoonida siiyaan uu ku soo magacaabo 15 cisho oo waqti dambe umada aan laga dhumin.