{WARSANRADIO}:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka gurmadka Abaarahaayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.
“Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, hadddii aan haatan laga hortagin.”
Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka May ka dhici doona magaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ay geyn doonaan istiraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laab-laabtay
“Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeybgalaan gurmadkan lagu samatabixinayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha. ” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey shirkii maanta ee looga hadlayey gurmadka abaaraha.
Waxaa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka.
Shirka waxaa joogey dowlad gobolleedyada Soomaaliya, wakiilladii u hadlay ayaa ka war-bixiyey xaaladaha daran ee abaarta, wakiillada Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen in xaaladdu ay ku sii socoto Macluul meelaha qaarna ay dad badan ugu dhinteen.
Dhinaca kale wakiillada beesha caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo fulinayo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha, ayaa ka warramay natiijada ka soo baxdey shirkii maanta ee gurmadka abaaraha Soomaaliya looga hadlayey.
Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah, dadka Soomaaliyeedna waajib gaar ah ayaa ka saaran gurmadkaan.
Ilaa bisha June xaaladda abaarta waxa ay gaari doontaa 5.5 Milyan, Q.M waxa ay sheegtay in ay dalbeed lacag dhan 825 Milyan oo dollar si gurmad dadka loogu gaarsiiyo haddan ay soo gaartay 75 Milyan