{WARSANRADIO} Dowladdaha Caalamka ayaa waxa ay wadaan dadaalo wax looga qabanayo Abaarta ka jirta Soomaaliya, taasi oo hada gaartay heerkii ugu sareysay, waxaana ay ku bixinayaan Malyuumaad lacago ah.
Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindval ayaa sheegay Dolwdda Sweden in ay lacago ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka iyo duunyada ee ku dhibaateysan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Soomaaliya Taageero in ay siinayeen sanooyin fara badan, laakiin 6-dii sano ee ugu dambeysay waxa uu sheegay in ay kordhiyeen Taageerada dhanka hormarada ah, isagoo sheegay Soomaaliya sanad walba in ay siiyaan 40 Milyan oo Dollar oo dhanka Hormarada ah.
“Xilli xaaladu ay sii xumaaneysay bilooyinkii ugu dambeeyay ee sanadkii aanu soo dhaafnay, waxaana sare u qaadnay kharashaadka Bani’aadannimo ee bilihii December iyo November, sanadkan waxa aan bixinay 10 Milyan oo Dollar, kadibna waxaan ku darnay 12 Milyan oo Dollar.
Dhanka kale Mikael Lindval Safirika Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya oo soo hadal qaaday Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay Taageerada ay siiyaan Midowga Afrika in ay u sii marayaan Midowga Yurub, isagoo sheegay dhamaan Mushaaraadka AMISOM in ay bixiyaan Midowga Yurub, taasina ay keentay in Deeqda ay u bixiyaan