{WARSANRADIO} Baritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday Suurtagalnimada in la isticmaalay Walxaha Sunta Kiimikalka ah Dagaalka Mosul.
ugu yaraan 12 Qof oo ay ku jiraan caruur iyo Haween ayaa ku dhaawacmay Dagaalada Ka socda Magaalada Muusil kuwaasoo u dhexeeya Ciidamada dowlada Ciraaq ee Gacanta ka heliya ciidamada Huwanta ee uu maraykanka Hogaamiyo iyo Dowlada Khilaafada Islaamka ee Shaam Ciraaq iyo suuriya ka dagaalanta.
Dadka ku soo dhaawacmay dagaalka ayaa saraakiisha caafimaadka la tacaalaya baxnaaninta boogaha dhaawacyadu sababeen waxay sheegayaan in ay ku ogaadeen baaritaano ay sameeyeen in lagu isticmaalay dagaalka hub ka samaysan walxaha kiimikada khatarta ah ee milanka sunta wax gumaada ee manuuca ka ah in lagu isticmaalo dagaalada.
qaramada midoobay ayaa warbixin ay soo sartay waxaa ay ku eedaysay dhinacyada dagaalamaya in ay isticmaaliyaan sunta kiimikada taasoo ay ku sheegtay warbixinteeda Qaramada midoobay in la xaqiijiyay isla markaana ay dacwad ka dhan ah labada dhinac ay horgayn doonto Shirka loo dhanyahay ee Qaramada midoobay.
Lise Grande, oo ah isku xiraha Qaramada Midoobay ee Arimaha Bani’aadanimada Dalka Ciraaq ayaa dalbaday in baaritaano dheeri ah lagu sameeyo hubka ay ku jirto Sunta khatarta ah kiimikada taasoo si xun u waxyeelaysa oogada sare ee jirka bani’aadamka taasoo mamnuuc ka ah Dunida tan iyo Dagaalkii labaad ee aduunka.