{WARSANRADIO}:- oo lagu eedeyay in ay galeen Fal dambiyeedyo kala duwan.
Toban kamid ah ragga ladaldalay Maalintii Sabtida ahayd waxaa lagu helay dambiyo isugu jira Kufsi,Dil,iyo Dambiyo kale oo ay kamid yihin falal argagaxiso iyagoo Dacwad oogayasha maxakamada Ay sheegtay in Raggan ay kamid ahayeen Koox looyaqaano IRBIT RERORIST CELL oo loyaqano Unugta irbit ee gacan saarka la leh Ururka Khilaafada islamiga ah ee ka dagalanta dhulka Shaam.
Sidoo kale Qaar kamid ah tobanka Nin ee kamida ah Shan iyo Tobanka ee ladaldalay waxay ku eedaydayanayeen Weraro Qorsheysan oo lala ewgtatay qorayaal iyo Saraakiil katirsan Ciidamada Nabad Sugida dalka Jordan Sida Wakaalda wararka ee Petra News agency oo u sheegay Wasiirka Warfaafinta Dalka Jordan Mahmud al-Momani.
2005 ayay ahayad marki uu Boqor Cabdalahii labaad ee adlka jordan uu isku dayay inuu Noqdo Dalkii ugu horeyay ee ku yaala Bariga dhexe oo joojiya Xukunada Dilka ah ee loo Adeegsado daldaalda ama qoor`goyada oo inta badan kadhaca dalalka Carabta.
Balse maxkamadaha Dalka Jordan Majoojinin ridista xukunada dilka ah Walow laga soo bilaabo Sanadii 2005-2013 aysan fulinin Xukun Dil ah.
Kadib waxaa batay fal dambiyeedyada kadhaca Gudaha dalka jordan tasoo sababtay in December 2014 11 Qof lagu fuliyo Xukun dil ah waxayna kacaray siisay hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo wadamo badan oo katirsan dowladaha Yurub xiriika dhow la leh Dalka Jordan.