{WARSANRADIO}:- Madaxwaynaha sida aan miirka alahayn marwalba isaga hadla ayaa ku shaaciyay boggisa Tiwitaraka war layaab leh oo uu ku eedeenayo madaxwaynihii Madowga ahaa ee 8 sano soo xukumaayey Dalka Maraykanka Mr: Barraka Ibraahim Xuseen Obama .
Trump oo leh bogg tiwitar ah o ay ku xiran yihiin 25.9 million oo Qof
ayaa soo bandhigay eedeeymo hor leh oo ku aadan Jaajuusid Sir gudbin ah oo dhinaca Taleefonka ah ee uu sameeyay madaxwaynihi hore ee Dalaka Maraykanka Obama Xiligii uu ku jray Ololihii Doorashadiisa Madaxwayninimo.
Kevin Lewis, oo ahaa Af-hayeenkii Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Obama ayaa Sheegay ” in aysan jirin Obama ama saraakiil kale oo katirsanayd Aqalka Cad ee Dalka Marakanka oo sameeysay sirgudbin dhinac Teleefonka ah, balse waxa intaa ku daray ” in tani ay tahay waalida iyo miir la’aanta Aduunyadu layaabantahay ee uu la soo baxay Madaxawaynaha Celceliska ah ee Dukaankii ganacsiga uu lahaa moodaya Aqalka cad oo loga arimiyo Dalka Maraykanka.”
Eedaymaha isa soo taray ee ka imaanaya Madaxweynaha dawakhsan ee siyaasada Maraykanka horbaadaya ee ay ku abuurantahay Islaam Naceebka ayaa imaanaya xili ay isga isku dheganyihiin FBIda Maraykanka kuwaasoo ku haysat trumph in uu xiriir hoose oo sir dusin ah la lahaa KGBda Ruushka taasoo FbIda Maraykanka ay ku doodayso in doorweyn ku lahaayeen wax isdaba marin badan oo ka dhacday doorashadii maraykanka ee uu u horseeday Donald Trumph in uu noqdo Madaxweynihii 45aad ee dalka maraykanka.
Iyadoo Bulshada Caalamka dhammantood ay la yaaban yihiin dhaqanka trumph oo ay u arkaan in uu yahay Madaxweynihii ugu qalifsanaa ee soo mara inta la ogyahay taariikhda hogaamineed aqalka Cad ee looga arimiyo Dalka Maraykanka.