Garoonka kubada Cagta degmada Baardheere oo in muddo ah dhismahiisu uu ka socdey degmada ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa lagu qabtey xaflad balaaran oo Qalab isboortis loogu wareejinayey ilaa 12 kooxood oo ka dhisan degmada Baardheere,iyadoo maalinta beri ahna garoonka uu ka furmi doono tar tan dhex mari doono kooxahaasi ka dhisan degmada Baardheere.
Xafladii xil wareejinta Qalabka Isboortis iyo furitaanka tartanka kooxaha ayaa waxaa ka qeyb galey Ms,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere,Guddiga Isboortiska,dhalinyarada degmada iyo waxgarad kale,mas,uuliyiintiii ka hadashey Xaflada ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yahiin Dib u dhiska iyo balaarinta lagu sameeyey Garoonka kubada Cagta degmada Baardheere oo dayacnaa iyo Qalabka isboortisaka ee loo qeybiyey Ciyaartoyda.
Xuseen Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay waxii maanta ka dambeeya in dhismaha garoonka ay ku wareejiyeen Guddiga Ciyaartooyda,islamarkaana ay kula dardaarmayaan in ay xanaaneeyaan dhismaha Garoonka,islamarkaana ay xoojiyan tartamada kubada cagta ee ka bilaabanaya garoonka.
Cabdi kheys muxumed Salal oo ah Gudoomiyaha Ciyaartoyda Baardheere ayaa u mahadceliyey Maamulka degmada Baardheere oo suurta geliyey in Garoonka kubada cagta Baardheere uu la jaan qaado garoomada kale ee dalka,waxuuna balan qaadey in ay dar dar gelin doonaan howlaha Isboortiska ee degmada Baardheere iyo xanaaneynta garoonka.
Kooxaha kale gedisan ee Ciyaartoyda iyo Guddi loo sameeyey Isboortiska degmada ayuu sheegay in ay soo dhamaysteen labo tababar oo kala duwan,kuwaasi oo ku kala saabsanaa sida loo maamulayo garoonka iyo ciyaaraha oo idil iyo weliba mid kale oo ku saabsanaa khibrada Ciyaartoyda,waxayna tababaradaasi ay soconayeen muddo 20 maalin ah.