Iyadoo uu socdo gurmad wax lagu gaarsiinayo dadka ay abaarta ka soo barakicisay deegaanadii ay deganaayeen ee soo kor degay kaamamka ku yaala daafaha Magaalada Baydhabo ku waasoo ay markii hore ay ku jireen Barakacayaal tooda u yaaban ayay qaylo dhaan ka imaanaysaa eek u aadan biyo iyo baad la’aan saamaysay noloshooda taasoo ay sheegeen horjoogayaal kaamka in ay san wax gargaar ah helin tan iyo markii ay yimaadeen Magaalada Baydhabo.
Waxaa ku nool kaamkan dad ay ka muuqato gaajo oo u baahan in loo gurmado inta aysan gaarin xaalad macluul ah oo keeni karta nafaqa daro iyo jirdifaacooda oo baa ba’a.
Caruurta iyo haweenka ku jira kaamkan waxaa dhabankooda ka muuqata diifta ito daruufta nololeed ee ay dhaxalsiisay abaarta ay kaga soo hayaameen halkii ay ku noolaayeen, waxaana wali haysata xaaladii ay ka soo carareen ee gaajada iyo biyo yaraanta, waxay ku noolyihiin xaabo ay islaamaha qoysaskaan ka soo guraan duurka oo ay dhabarkooda ku keenaan Gudaha Magaalada Baydhabo, dhaqaalaha ay ka helaan xaabada marka ay iibiyaan kuma filna badarka oo qaali ah aawgiis iyo tirade qoysaska qaar oo aad u badan.
Meyow Abuukar Mursal waa horjoogaha kaamaka Ali Suge waxaa uu ii sheegay mar aan ku booqday kaamka uu horjoogaha ka yahay in kaamkiisa oo ay soo kor dageen barak acayaal cusub oo dhowaan ka soo qaxay miyiga abaarta ay ka jirto eek u yaala agagaarka iyo tuulooyinka fog ee hoos yimaada Magaalada Baydhabo in ebedkiis wax biyo iyo baad ah la soo gaarsiinin kaamkiisa xili ay jiraan gurmadyo kala gedisan oo ay wadaan Bulshada Rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Qof tegay oo soo arkay kaliya ayaa dareemi karo xaalada murugada leh ee haysata hooyada ay ciyaalkeeda beerka dhulka ku hayaan ee wax ay dabka u saarto weysay eek u jirta kaamkan awoodeedana ay ku egtahay in ay soo dawarsato oo ay dadka ku dhex orodo iyo in ay indhaha ka fiirsato, labadaasoo runtii ah kod ka guur oo qanjo u guur.
Qaar Ka midah Dadkii Ku Noolaa Kamka aya Waxa ay II sheegeen in ay Ku Nool Yihin Halada Tii Ugu adkeyeed Waxana ay Baaq ay Udireen Hay,daha Iyo Dolwada in ay Gurmad La soo Gaaran waakuwan Qar Ka midah qoosakaasi oo An Makeroofonka la Dhahamarey ,
Qaajada Iyo Macaluusha Kuma Eka Oo Kali ah Hooyooyinka waxaa Sidoo Kale Caruurta ay Yihiin Kuwa ay Cidlo Kunool Yihiin Hooyo yinkooda Uu Ku dhacay Shabin Biyoo Caruurtiina iyga OO waxba Haysanin Looga Tagey Xitaa Kula Hadli Karaan Ma aboodan in ay Kula Hadlaan Qaajada iyo Diifta Ka Mooqata qaarna wey Ooyneyaan .
Aan soo uruuriyo warkee bulshooy kaamkani ku yaalaDuleedka- magaalada Baydhabo hadii indhaha laga fiiriyo oo gurmadka aan wadno manta iyo beri waxba laga gaarsiinin waxaa hubaal ah in dadka aan soo arkay ee wadanoowga hayaay qaarkood ay gaajo iyo oon u dhimanayaan anagoo qado, quraac iyo cashao cunayna , taasoo nagu keeni karta ceeb aduun iyo ilaaheey hanaga hayee taariikh ciribteeda xuntahay hadhow nalagu caayo.