Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden (Sydvästsomaliska Riksförbundet i Sverige) oo deeq Daawo ah gaarsiisay Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Maanta 23 Maarso 2017 waxaa deeq daawo ah oo dhinaca cudurka shubanka oo ay iska ay iska soo uririyeen jaaliyadaha hoos yimaada Dalladda Koonfurgalbeed Soomaaliya ee Sweden iyo dad muxsiniin Soomaali oo degan Wadanka Sweden ayaa maanta waxaa la gaartsiiyay degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wareejinta daawadaas waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha degmada Wanleweyn, Gudiga Gurmadka Xaaladaha degdega ee Degmada Wanleweyn , masuuliyiinta caafimaadka degmada iyo nabadoono ka tirsan degmada Wanleweyn . Daawadaas waxaa loogu tala galay dadka ku dhibaateysan Degmada wanlawen ee iyo tuulooyinka hoos yimaada.
https://www.youtube.com/watch?v=fd4g4Lxwagg&feature=youtu.be
Warbaahinta wadanninews24.com