40 qoys oo kamid ah barakacayaasha ay Abaarta saamaysay ayaa deeq usoo dhiibatay luul Maxamed Cabdiraxmaan oo kamid ah Jaaliyada kasoo jeeda koonfur Galbeed ee ku nool Dalka Swedan ayaa loogu Qeybiyay xarunta Idacada Warsan ee Magaalada Baydhabo .
Sahro Maxamed Cabdiraxmaan , oo ahayd wakiilka luul Maxamed Cabdiraxaman ayaa Deeqdan Kuwareejisay Idacada warsan oo ah mida kaliya ee Isu Xilqaantey Tabinta iyo Taakulaynta Bulshada soo barakacay ee ka warqabin indhaha Aduunyada .
Mukhtaar Sheekh Adan Dalmar , oo ah madaxa Baramijyada idaacada Warasn ayaa ka gudoomay Deeqdan Sahro Maxamed Cabdiraxmaan , oo ah wakiil ka Deeqdan , waxaana uu baaq udiray Jaaliyada kasoo jeeda Deegaanadan in ay ku deyadaan Luul Maxamed ayna Garb istaagaan walaalahooda Tabaalaysan.
https://www.youtube.com/watch?v=YIfdIBor9O8&feature=youtu.be