{WARSANRADIO}Waxaa saakay lagu guuldareystay in Dekeda Muqdisho lagu soo xiro Markab weyn oo sida shixnado Konteenar ah, iyadoo uu halis ugu jiro inuu caariyo.
Markabkan konteenarada sida ayaa ah mid cusub oo aan waligiis Dekeda Muqdisho ku soo xiran, balse shirkada leh ay horay maraakiib kale oo ay leedahay ku soo xirteen Dekeda.
Warar ayaa sheegaya in sababaha uu ugu soo xiran la’yahay ay ka mid tahay in dayactir la’aan halka maraakiibka kaga soo xirtaan Dekeda oo carro badan ay gunta hoose buuxiyeen.
Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale Markab weyn oo konteenaro siday uu ku soo xiran waayay Dekeda, iyadoo uu qarka u saarmay inuu caariyo, waxaana xilli saq dhexe lagu guuleystay in dhinaca Dekeda loo soo jiido.
Cabsida laga qabo ayaa ah in hadii Markabkan uu caariyo ay muddo sanad ku dhowaad xirmi karto Dekeda, waxaana hada rajo laga qabaa caawa saq dhexe, marka ay biyo badan badda keento in dhinaca Dekeda loo soo jiido.
Illaa saddex Taag oo horay dowladda Jabuuti ugu deeqday dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaya inay markabkan u soo jiidaan dhinaca Dekeda, si Markabka xamuulka saaran looga dejiyo.
Shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga Albeyrak oo maamusha Dekeda Muqdisho ayaa lagu dhaliilay in aanay wali keenin Taagag badan oo maraakiibta ku soo xira Dekeda iyo in aanay wax dayactir ku sameyn halkii maraakiibta ku soo xiran lahaayeen.
Dekeda Muqdisho ayaa waxaa ku soo xiran karin Markab sida wax ka badan 550 Konteenar, waxaana laga cabsi qabaa in hadii markab dhaafo tankaas uu caariyo, maadaama gunta hoose ee ah halka ay ku xirtaan maraakiibta aan dayactir lagu sameyn wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe.
Dekeda Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda Soomaaliya leedahay ayaa hada isu bedeshay meel lacagta kaliya laga gurto oo aan waxba lagu soo kordhin