Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa arrimaha Abaaraha kala hadlay Ganacsato iyo Culumo ka socota dalalka Tanzania iyo Pakistan, kadib kulan uu kula qaatay Magaalada Beledweyne.
Guddigan Deeqda raashiinka ah siday ayaa waxa ay sheegeen ujeedka ay Beledweyne u gaareen in ay taahy sidii ay ugu gar gaari lahaayeen dadka walaalahooda ah ee dhibaateysan.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan Guddigan, oo waqti iyo maalba u huray dadka walaalahooda ah ee ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadka Abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Degaanada Hirshabeelle.
previous post