Deeq lacageed oo ay iska soo uruuruiyeen dad muslimiin ah ah oo ku
kala nool dalalka Kanada iyo Mareykanka ayaa maanta waxaa raashin
gargaar ah loogu qeybiyey Boqolaal qoys oo ku soo barakacay Magaalada
Baardheere,kuwaasi oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xaga
nolosha ah.
Deeqdan Lacagadeed ee ka kala timid Dalalka Kanada iyo Mareykanka,gaar
ahaan Gobolka Mishagan an arbal ayaa waxay la soo marsiiyey,sheikh
farxaan Maxamed Sheekh doon oo ka mid ah Guddiga rmadka Abaaraha ayaa
waxay gaareysay lacag dhan $1000 dolar,waxaana soo gaarsiiyey Gabdho
muslimaad ah oo degan Dalka Mareykanka,halka Cabdi Cali Magan ay soo
gaartey lacag ka timid dad Muslimiin ah oo degan Dalka Kanada oo dhan
$4000,oo Dolar .
Deeq lacageed ayaa raashjinka lagu iibiyey ee la siiyey dadka
Barakacayaasha ah ayaa waxuun isugu jirey Bariis iyo Saliid,Dadka la
siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha,kuna xoolo
belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay
ragaadiyeen Abaaraha,,waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka goob
joog ka ahaa Maamulka degmada,Culimada,udiinka degmada iyo Gudiga
Gurmadka Abaaraha