{WARSANRADIO} Deeq lacageed oo ka timid Naasir Cadceed oo ka mid ah Soomaalida degan
Dalka Denmark ayaa maanta waxaa raashin gargaar ah loogu qeybiyey
Bukaanada qaba Cudurka Shuban biyoodka ee Jiifa Isbitaalka
Baardheere,iyadoo deeqdaasii oo la soo marsiiyey Hay,adda Alraxma
Foundation ayaa waxaa lagu wareejiyey Guddiga Caafimaadka ee
Isbitaalka Baardheere.
Deeqdan oo ka koobneyd Bariis,Saliid,Baasto iyo Sonkor ayaa waxaa ka
mahadceliyey Guddiga Caafimaadka ,Maamulka degmada Baardheere,Guddiga
Gusrmadka Abaaraha iyo Culama,udiinka deegaanka oo sheegay gargaarka
noocani oo kale ah inuu wax weyn ka tarayo nolosha bukaanada jiifa
Isbitaalka , Ehelada kor joogtada ah iyo weliba Howlwadeenada
Caafimaadka ee Isbitaalka.
Cabdulaahi Nur Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere iyo Cabdi Aden oo ka
mid ah Gudiga Caafimaadka Baardheere ayaa waxay si aad ah ugu
dheeraadeen baahida loo qabo gargaarka noocani oo kale ah iyo deeqda
ka timid Naasir Cadceed oo ay ku tilmaameen muwaadin xil kas ah oo ka
damqadey dhibaatada ka taagan deegaanka,wxayna ugu baaqeen Qurba
joogta soomaaliyeed in talaabada noocani oo kale ah ay qaadan si loogu
gurmado dadka ay ku habsadeen Abaaraha iyo Cudurada.