{WARSANRADIO}Magaalada Muqdisho maanta waxaa la filayaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada ka jira dalka iyo madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah ayaa madaxda dowlad goboleedyada uga yeertay muqdisho
waxaana la filayaa in ay maanta shir ku yeeshaan Magaalada Muqdisho
kaas oo leh afar qodob oo noqnaya ajendaha shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada Puntland,Galmudug,Hirshabeelle,Koofur Galbeed iyo Jubbland,waxaana la filaayaa in shirkooda xoogga lagu saaro qodobada kala ah; Amaanka,Siyaasadda dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo,Abaaraha iyo shirka London oo bisha soo socota ka furmaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.
Shirkaas ayaa waxaa marti gelineysa dowladda Ingiriiska waxaana ka qeyb gelaya waddamada taageera Soomaaliya,kaas oo ay Dowladda Soomaaliya dooneyso in iyada iyo maamul Goboleedyada oo iska warqaba ay uga qeyb galaan ajendi mid ah.
Shirkan waxaan ka qeyb galeyn maamulka Somaliland oo ay dowladda Ingiriiska ka joojiysay ka qeybgalka Shirkaasi kaddib markii ay Dowladda Ingiriisku ku eedeysay Somaliland in aysan hirgelin doorashooyinkii madaxtinimo ee March oo ballansanaa,taas oo ay ingiriisku sheegeen in Somaliland ay ku fashilantay hirgelinta dimuqraadiyadda.