{WARSNRADIO}Dowladda Jabuuti ayaa dhiggeeda Eritrea ku eedeysay in ay taageerto Al-shabaab islamarkaana ay caqabad ku tahay amaanka Gobolka.
Wakiilka Dowladda Jabuuti ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Maxamed Siyaad Ducaale ayaa sehegay in dowladda Eritrea ay si toos ah u taageerto Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya waxaan auu soo jeediyay in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay tallaabo ka qadaan dowladda Eritrea.
Danire Ducaale,ayaa soo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan oo hubeeyo Ciidanka Soomaaliya tababar fiicanna la siiyo si ay uga adkaadaan Al-shabaab,waxaa kale oo uu codsaday in la xoojiyo taageerada AMISOM-ta dagaalka kula jirta AL-shabaab ee Soomaaliya.
Waxaa uu mr Ducaale ku eedeeyay Eritrea in ay xogta u diidday kooxda dabalka Soomaaliya iyo Eritrea taas oo uu tusaale u soo qaatay in ay tahay xagjirnimada dowladda Madaxweyne Isias ee Eritrea.
Sidoo kale Dowladda Jabuuti ayaa Eritrea weydiisay halka ay ku dambeeyaan 13 Maxbuus oo Eritrea ay ku qabsatay dagaalkii dhex maray iyada iyo Jabuuti.
Dhanka Dowladda Eritrea Wakiilkeeda Golaha amaanka Amanuel Giorgio,ayaa dafiray eedda dowladda Jabuuti,waxaana uu xusay in Jabuuti ay iska hadashay hubsiimo la’aan.
Waxaa uu xusay in dowladda Eritrea ay si wanaagsan ula shaqeysay kooxda Qaramada Midoobey u qabailsan dabagalka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea.
Waxaa uu intaas ki daray Danjire Amanuel in afartii Sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah oo u dhaxeeya Eritrea iyo Al-shabaab la helin, daliil ayuuna ka dhigtay in uusan jirin xiriir ka dhaxeeya Eritera iyo Al-shabaab.
Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in aysan jirin maxabiis ay Eritrea ka heyso Jabuuti islamarkaana dhamaan Maxaabiistii ay dagaalkaas ku qabteen ku wareejiyeen dowladda Qatar oo dhex dhexaadiysay labada dal heshiisna kala dhex dhigtay