{WARSANRADIO} Hay,adda African Development For Education and Health maanta waxay
deeq raashin ah ay gaasiiyeen Boqolaal qoys oo Barakacayaal ah,degana
duleedka Magaalada Baardheere kana kala yimid deegaano ka kala tirsan
Gobolada Gedo iyo Bay,kuwaasi oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey
daruufo xaga nolosha ah,waxaana deeqdani degmada soo gaarsiiyey
Hay,adda Alraxma Foundation.
Gargaarka raashineed ee la siiyey Qoysaskan ayaa isugu irey Bariis iyo
Saliid,Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay
Abaaraha,kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku
tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha,waxaana goobtii lagu qeybinayey
raashinka goob joog ka ahaa Maamulka degmada iyo Gudiga Gurmadka
Abaaraha .
Sidoo kale Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada
Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed ee loo
qeybiyey Barakacayaasha uu wax weyn ka tarayo noloshooda waxuuna
Hay,adda African Development For Education and Health ku amaanay
sida ay jawaabta ugu bixisey Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo
gaarsiiyey.