{WARSANRADIO} Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta duhurkii toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka riday degmada Wadajir, iyagoo gacanta ku dhigay gaarigii ay wateen, kaasoo markii dambe qarxay
Labada nin ayaa ka mid ahaa rag hubeysan oo madaafiic ka ridayay agagaarka Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, waxaana madaafiicda bartilmaameedkooda uu ahaa Xarunta Xalane oo talis u ah AMISOM.
Illaa saddex ruux oo caruur ay ku jiraanayaa ku dhaawacantay madaafiicda ay rideen ragga oo ku dhacay guryo isku dhegan oo ay dad rayid ah degenaayeen.
Mid ka mid ah labada nin ee la toogtay ayaa sameeyay iska caabin, iyadoo markii ay ceyrsadeen ciidamada ammaanka uu galay guri ku yaala Xaafada Buulo Xuubey.
Ciidamada Ammaanka ayaa hareereeyay guriga uu ninka hubeysan galay, kaasoo ay dad rayid ah degenaayeen, waxaana markii dambe ciidamada u suura gashay inay ninkan toogtaan, iyadoo aanay waxba gaarin dadkii rayidka ahaa.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo goobta howl galka ka socday gaaray ayaa sheegay in raggan ay warbixintooda hayeen, isagoo uga mahad celiyay shacabka inay Ciidamada la wadaageen xogta ragan.
Wasiir Ducaale ayaa Saxaafada u soo bandhigay meydka labada nin ee hubeysnaa, labo qori AK47 ah iyo qorigii Hoobiyaha ahaa, waxaa uu tilmaamay mid ka mid ah labada nin uu ka dambeeyay dil todobaad ka hor loo geystay Xoghayihii maamulka degmada Wadajir iyo darawalkiisa.
Gaariga ay wateen dableydii hubeysneyd ayaa markii dambe ku qarxay meel u dhow koontarool ciidamada ammaanka ku leeyihiin agagaarka Danwadaagaha.
Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee guuleysta oo ay ciidamada ammaanka ku dilaan kooxo hubeysan madaafiic ka ridayay gudaha magaalada Muqdisho
.