{WARSANRADIO} Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay si rasmi ah u furay shirkan, oo looga hadlayay xiriirka wada shaqeyn ee dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada, xasilinta amniga dalka iyo arrimaha shirka London ee bisha soo socota dhacaya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay qorshaha shirka London ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah ay la tagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida dadka Soomaaliyeed isugu duuban yihiin.
Ujeedka ugu weyn ee shirkan ayaa ah sidii Madaxda Soomaalida ay hal hadaf ula tagi lahaayeen shirka London, isla markaana dowladda Federaalka ay hoggaamiso, iyadoo laga baaqsanayo is bar bar yaac Madaxda sameeyaan, inta lagu guda jiro shirka.
War murtiyeedka laga soo saari doono shirka maanta ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka qaranka, barnaamijka isku dhafka ciidamada ee ku aadan sidii ciidamada loo qarameyn lahaa, iyo ajandayaasha shirka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa si wada jir u shir guddoomin doona shirka London ka dhacaya bisha May ee soo socota.
Dowladda Ingiriiska ayaa la sheegay inay si kala gaar gaar u casuuntay maamul goboleedyada dalka, oo si toos ah casuumaada u soo gaarsiiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Boris Johnson oo bartamihii bishii hore booqasho ku yimid Muqdisho.