{WARSANRADIO} Illaa lix diyaaradood oo qaad sida ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, ganacsatada qaadka ayaa qaatay go’aan adag oo ah in aysan qaad ka dejin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii canshuuro dheeraad lagu kordhiyay.
Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo diyaar u ah inay qaadka u soo qaadaan Muqdisho oo safar dhanka dhulka ah ku geeyaan, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 7 sanno ah oo qaadka safar dhulka lagu geeyo, tan iyo xiritaankii garoonka diyaaradaha ee Nambar 50.
Tani waxay albaab cusub u fureysa Maamulka Hirshabeelle oo ka faa’ideysanaya isku dhaca Ganacsatada Qaadka iyo dowladda Dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo canshuuro xad dhaaf ah ku soo rogtay Qaadka Muqdisho laga dejiyo.
Ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay sugayeen ammaanka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.