Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo Degaan ka tirsan Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ku dilay Qof shacab ah.
Askarigan ayaa horay u dilay Marxuum Qaasim Cabdiyow Xaaji Keerow, wuxuuna dhaawacay Laba caruur ah oo uu dhalay Marxuumka geeriyooday kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cali Qaasim Cabdiyow Iyo C/laahi Qaasim Cabdiyow.
Dhame Muumin Xuseen C/aahi Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay Maxkamadana la hor keenay cadeymo iyo marqaatiyo.
Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen Qaraxyo ka dhacay Magaaladaasi.
https://www.youtube.com/watch?v=JmfxynZnreU&feature=youtu.be