{WARSANRADIO} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo maalintiisii ugu dambeysay booqasho ku maraya Bariga Dhexe, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas.
Madaxweynaha Falastiin, ayaa Madaxweynaha Mareykanka si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Bethlehem, oo kulan gaar ahi ay ku yeesheen.
Madaxweynaha Mareykanka oo Saxaafadda la hadlayay, ayaa ballanqaaday in Mareykanka uu samayn doono tallaabo kasta oo ay heshiis ku gaari karayan Falastiin iyo Israel.
Wuxuu sheegay Mareykanka in labada shacab uu ka caawin karo, rajo ay ka dhaliyan Bariga Dhexe. Falastiin iyo Israel ayaan wax wada hadal ah yeelan muddo saddex sano ka badan.
Madaxweyne Donald Trump, ayaa yiri “Run ahaantii waxaan ku rajo weynahay in Mareykanku ka caawin doono Israel iyo Falastiin inay xal nabadeed gaaraan, taasoo rajo gelin doonto gobolka iyo dadkiisuba.”
Waxaa uu intaa ku daray “Sidoo kale waxaan aad u rumeysnahay in Falastiin iyo Israel ay heshiin karaan, kaasoo bilow u noqon doona hannaan nabadeed oo Bariga Dhexe oo dhan wada gaara, taasina waxay noqon doontaa guul weyn.”
Falastiin iyo Israel, ayaa waxay isku hayaan dhawr arrimood oo laga xusi karo mustaqbalka Bariga Magaalada Qudus, qaxootiga Falastiiniyiinta iyo xuduudaha labada dhinac.