{WARSANRADIO} Askar ka tirsan Ciidamada dalka Kenya ayaa ku geeriyootay Qarax ka dhacay dalkaasi, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Kenya.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku istaagay gaari ay wateen ciidamada dalka Kenya, waxaana halkaasi ku dhintay dhowr Askari oo ka tirsan Booliska dalka Kenya.
Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada Kenya ay dhinteen, sidoo kalena uu dhaawacmay mid kale, waxa ay aheyd shalay markii Qarax lagu dilay Saraakiil Kenyan ah.
Qaraxan, ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Malelei ee Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo gaariga uu maraayay markii Miinada ay la qarxeysay.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya inooga soo diray Wariyaha