In ka badan 100 kun oo qoys ayaa ku sugan magaalada baydhabo kuwaas oo ka soo barakacay deegaanadii ay kunoolaayeen oo abaaro daran ku dhufatey
Waxaana markii ay soo gaaareen baydhabo loo sameeyey gurmad kala duwan oo loogu gargaaraayo dhibaatada abaarta ee dadka soo barakicisey .
Kulan looga hadlaayey sidii dadka abaaraha ka soo cararey dib loogu celinlahaa isla markaana looga caawin lahaa dhibaatadooda waxaa maanta uu ka dhacay magaalada baydhabo kaa oo ay wada qaaten gudiga abaaraha koonfur galbeed iyo qaar ka tirsan horjoogiyaasha kaamamka kuyaala baydhabo .
Waxeyna qaar ka tirsan horjoogiyaasha kaamamka ay su aalo weydiiyeen gudiga gurmadka abaaraha konfur galbeed taasi oo ku aadaneed in qaar ka tirsan kaamamka oo aan wali gar gaar la gaarsiin
Kulanka markii uu soo dhamaadey waxa shir jaraa’id wada qabtey gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha koonfur galbeed madoowe nuunow iyo masuul ka socdey gudiga gurmadka ee heer qaran oo maanta koonfur galbeed ku soo wareenjiyey lacag dhan 200 kun oo wax looga qabanayo araaha koonfur galbeed
https://www.youtube.com/watch?v=tmvM7FQUV1I&feature=youtu.be