Hay’adda Nis-xafiiskeeda Baydhabo waxaa uu daneynayaa shirkad soo iibisa Qalabka dhismaha
Wadooyinka(jidadka). Qalabkaan wuxuu iskugu jiraa Qalabka dhagaxa lagu farsameeyo, sida
burburinta.qaabaynta,xoqista iyo qalabka kale ee loo adeegsado howlaha dhismooyinka
Waddoyinka.
Hadaba shirkadaha sharciyeysan ee ka howlgala Xarunta ku meel gaarka Maamul Goboleedka
Koofur Galbeed Soomaaliya waxey Hay’adda NIS ku casuumeysaa tartan furan.
Shirkadaha daneynaayo in ay ka qaybgalaan tartankaan waxaa laga`doonaya in ay buuxiyaan
shuruudaha hoos ku qoran.
1. Aqoonsiga wazaaradda Ganacsiga iyo Warshadah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
2. In ay Shirkaddasoo gudbiso Dukumiinti caddaeynaya in ay ka diiwaangashantahay Rugta
Ganacsiga KG S (Ghanber ISWA of Commerce) iyo in ay shirkadda heysato aqoonsiga
Wasaaradda Arimaha Gudaha ee KGS (MOIP).
3. In ay Shirkadda haysato Warqad caddaynaysa ogolaanshaha Shaqo oo Ka soo baxday Xafiiska
Gudoomiyaha Gobolka iyo Xafiiska Duqa Magaalada Baydhabo.
4.In ay Shirkadda soo gudbisaa profile ka Shirkadda oo ay ku caddahay Waayo aragnimada
shaqo (1-2)ee ugu dambeeyey howlihii dhismo ee ay ka fulisay Shirkadda Labadii sano ee la soo
dhaafay.
5. Waa in ay Shirkadda leedahay awood shaqo(Dad howlkar ah iyo qalab) Shirkada ay ku fuliso
hoowsha loo idmaday muddo kooban.
6. Waa in lahelaa dhaqdhaqaaqa Acount shirkada(1dii June 2015-30 Apr 2017).
F.G: Dhaqdhaqaaqa acounka Shirkadda oo been abuur ah waxey Shirkadda u horseedi kartaa
in tartanka kaharto Shirkadda.
Shirkadkasta oo buuxiso shuruudaha kor ku xusan waxey u soo gudbinkaartaa Araajideeda
Xafiiska NIS kahor 2da Duhurnimo,maalinta Axadda ah 9ka Luulyo 2017 ama waxey ku soo diri
karaan Dukumintayadooda E-Mailkan. Procrement.soomaalia@nis-foundation.org.
Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan kalaxiriir Xafiiska NIS ee Magaalada Muqdisho. Tel:
0612182862
Ama Cinwaanka kor ku xusan.
RIIX HALKAAN SI AAD U HESHO MACALUUMAADKA FULL AH