Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Mooshin maalmahan la hadal hayay in laga waddo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanadan oo qaarkood wasiiro ah ayaa shir ay ku yeesheen Muqdishoku taageeray xukuumadda Kheyre iyagoo in qabatay shaqo fiican mudaddii yareyd ee ay jirtay, waxayna meesha ka saareen inuu jiro mooshin laga wado.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil iyo Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi Daallo ayaa saxaafadda u sheegay inay rajo fiican ka qabaan xiriir wadashaqeyn oo dhex mara Baarlamaanka iyo Xukuumadda.
“Waxba kama jiraan wararka la hadal hayo ee ah in Xukuumadda iyo Baarlamaanka mugdi ka dhex jiro… haddii aan nahay Xildhibaanada wadashaqeyn buuxda ayaan diyaar ula nahay Xukuumadda.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo sheegay in wararka la faafiyay ee mooshinka aanay jirin.
Halkan ka dhageyso Maqalka
https://www.youtube.com/watch?v=lMz9966OHao
Warar ku saabsan Mooshin laga wado xukuumadda ayaa hareeyay warbaahinta iyo shirarka Baarlamaanka iyadoo si ah aan loo shaacin wax mooshin ah.