{WARSANRADIO} Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku baaqay in dalka la keeno Qad Internet oo Keyd ah, kaddib markii Qadkii Internet-ka Fibre Optic ee la soo marsiinayay Badda hoosteeda uu bishii hore markab jaray, taasoo sababtay Internet la’aan soo wajahday Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Mr Canshuur oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa, wax yar kaddib markii uu dib u soo laabtay Internet-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho Qad Internet oo keyd ah (Back Up), si looga bad baado, hadii uu mar kale cilad ku timaado Internet-ka ama uu go’o.
“Shirkadaha waxaa ka dooneynaa inay sameeyaan qaab xariga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekeda, taasoo u baahan in shirkadaha Internet-ka inay isla qorsheeyaan sidii looga bad baadi lahaa in mar kale uu xarigaas go’o”ayuu yiri Wasiir Canshuur.
Waxaa uu sheegay in dalka ay ka jirto fursad ganacsi oo lagu maalgashan karo, isagoo ku baaqay in la keeno Xargo kale, si looga baxo baahida Internetka ee sii kordheysa.
“Ganacsatada waxaa ugu baaqeynaa inay keenaan xargo kale oo Fibre Optic ah, dalka waxaa ka jira fursado lagu maalgashan karo”ayuu yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay gacanta ku heyso qorshe qaran oo ay qeyb ka noqonayaan daneenayaasha Isgaarsiinta, kaasoo uu xusay inuu damaanad qaadi doono helitaanka Isgaarsiin tayo leh oo la isku haleyn karo.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Shirkadda gacanta ku heysa adeega Internet-ka Fibre Optic dadaalkii ay ka geysteen in mar kale Internet-ka uu soo laabto.
Illaa 22 cisho ayuu Internet-ka ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo maqnaanshaha Internet-ka uu saameyn ku yeeshay dhamaan adeegyadii uu fududeynayay Internet-ka, waxaana dowladdu ay sheegtay in maalin walba la khasaarayay lacago malaayiin dollar ahaa.