{WARSANRADIO} Arday tiradoodu gaareyso 2883 arday ayaa ku dhacday halka ay ku baaseen ama ku gudbeen arday gaareysa 15, 356 imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee dalka sanad dugsiyeedka 2016/2017.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baaseen 15, 356oo arday,
“Tirada imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15,356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.
Hase yeeshee Wasaarada Waxbarashada dowlada Federalka ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in ay imtixaanka u fariistaan 23,000 oo arday balse imtixaanka aysan ka qeybgalin tiro gaareysa 4761 arday iyadoo aaysan sheegin sababta ay uga baaqsadeen ardaydaas inay u fariistaan imtixaanka.
“23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Feysal Cumar Guuleed Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.
Haddii la isku daro tirada imtixaanka ku dhacday iyo kuwa aan fariisan ayaa guud ahaan waxa ay gaarayaan 7644 arday taasoo ah tiro aad u badan.
Si kasta ha ahaatee Wasaarada Waxbarashada ayaa shaacisay magacyada tobanka arday ee ugu sareysa dhibcaha imtixaanka ay ardaydu u fariisteen waxaana uu ku guuleystey ardaygii ugu sareeyay dhibco gaareysa boqolkiiba 94%.
Tabanka arday ee kaalimaha hore ka galay Imtaaxnka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiis ah,balse ma sheegin wadamada ay ardayda waxbarashada u aadayaan.
Balse,tobanka arday ee ugu sareysa xagga dhibcaha ayaa 9 ka mid ah waxa ay yihiin arday wax ka barata caasimada dalka halka ardayga kaliya ee gobolada uu yahay ardaywax ka baranayay dugsi ku yaal magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo uu ururka Ahlu Sunna maamulo.
Guud ahaan Maamul goboleedyada dalka ayaysan ardaydii u fariisatay ka dhex muuqan tobanka arday ee ugu sareeya iyadoo aan la ogeyn sababta ay ardayda gobolka Banaadir ay u noqdeen kuwa ugu badan ee dhibcaha sare ka hela.
Halkan hoose ka aqriso Magacyada tobanka arday ee ugu sareysa natiijada imtixaanka dugsiga sare