[WARSANRADIO} Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay goob lagu qaxweeyo.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa sababay khasaare kala duwan, iyadoo lagu soo waramayo in gaariga qarxay la ag dhigay maqaaxi lagu qaxweeyo oo galbihii la fariisto, kuna taala Xaafada Farjano,
Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.