Odoyaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa soo dhaweeyay Wadaadka Sheekh
Mukhtaar Rooboow Cali abuu Mansoor.
Malaaq Cali Boor oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka koofur Galbeed
soomaaliya ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda Warsan waxaa sheegay in
Muqtaar Rooboow uu yahay Shaqsi aan danbi lahayn oo wax dhibaato ah u
gaysan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu mudan yahay in la soo
dhaweeyo maadaama uu ka soo baxay Al-Shabaab isla markaana uu kala
dhaxeeyo dagaal.