Xog hoose oo naga soo gaartay degaanka Abal ee gobolka Bakool
oo ah halkii ay dhawaan isku fara saareen Sh.Muqtaar Roobow iyo
Maleeshiyaadka alshabaab ayaa sheeegaya in halkaasi ay maleeshiyaadka
Al-shabaab ku afduubeen 14 odey dhaqameed ay isku heyb yihiin Sh.Muqtaar.
Warkaani waxaa u xaqiijiyey Wadani News24 Online dadka degaanka iyo weliba mid kamid ah wasiirada maamulka K/galbeed oo aabahiis uu ku jiro odeyaasha ay al-shabaab af-duubteen.
Odeyaasha la afduubtay ayaan la aqoon illaa hadda meel ay jaan iyo cirib dhigeen
amase halka ay ku sugan yihiin ee maleeshiyaadka afduubtay ay geeyeen.
Sida la ogyahay degaanka Abal ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaalamay wadaadka
dowladda ay wadahalku u socdaan ee Muqtaar Roobow abuu Mansuur iyo Maleeshiyaad hubeysan
oo ka tirsan kooxda al-shabaab oo doonayey inay gacanta kusoo dhigaan Abuu Mansuur.
Wixii Kusoo kordha af-duubka odeyaasha kala soco wararka dambe ee wadanonews24.com