Wasiirka Arimaha gudaha D.K.G.S oo sheegay in ay dardar galin doonaan hirgalinta Mashruuca dhismaha Dowlada hoose ee Dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in uu dhowaan la wareegay Wasaarada Arimaha Gudaha K.G.S isla markaana uu wareejiyay wasaaraddii hore ee Xanaanada Xoolaha dhirta,Daaqa,Duur-joogta iyo dalxiiska, isagoo xusay wasiir Madoobe nuunoow Maxamed intii uu ahaa Wasiirka Wasaaradda uu wareejiyay in uu qabtay Howlo lagu faani karo iyadoo markii loo dhiibayay Xilka wasaaradda uu howsheeda ka bilaabay meel eber ah.