Maxaned Sheekh Buraale oo ka tirsan Jameecada sheikh Axmed Yare oo ku
Eedeeyay Ciidamada Amisom Kenya in ay xasuuqeen Qooyskii Sheekh
Maxamed Sheekh Axmed Yare oo mudo Afartan Sano ah hayay hogaanka
Jameecada Sheekh Axmed Yare oo 13 Km u jirta Degmada Jilib oo ka
tirsan Jubada Hoose.
Waxaa Tuuladaas duqeeyay Laba diyaaradood ay leeyihiin Ciidamada
dowladda Kenya iyadoo duqaynta la beegsaday goob uu beer ku lahaa
Sheek Maxamed Sheekh Axmed Yare, halkaasoo ay ku dhinteen Lix ruux oo
uu ku jiray Sheekh Maxame Sheekh axmed Yare, Xaaskiisa, wiil uu dhalay
Sheekha, Qaadimkiisii iyo eheladiisa ay isku qooyska haayeen.
Iyadoo Ciidamada Kenya ku sheegay Weerarkaas in ay la beegsadeen Goob
ay ku sheegeen in ay xarun u ahayd Xarakada Al-Shabaab.