{WARSANRADIO}Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa la soo dhigay wadada dhinaceeda, kadib shacabka ayaa ka shakiyay oo Ciidamada ku wargeliyay.
Ciidamada ayaa durbadiiba waxay hakiyeen isu socodka gaadiidka, waxayna shacabka uga digeen in ay u dhowaanin gaariga, daqiiqado kadibna waxaa qarxay gaariga.
Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) iyo Afhayeenka Ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa si wadajir ah halkaasi ugula hadlay warbaahinta.