{WARSANRADIO} ku simaha Madaxwaynaha Koofur Galbeed ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo Shir Jaraa’iid Maanta ku qabtay Xafiiska Madaxwaynaha ayaa ka hadlay dadkii ciidamada Dowlada ay ku dileen deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose. Isagoo kusimaha Madaxweynaha isagoo ku hadlaya afka Dowlad Goboleedka tacsi u diray ehelada dadkooda ay ku dhinteen Mashaqadaas.