{WARSANRADIO}Munaasabada tababarka loogu furayay Ciidamadan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano Taliyaha Ciidamada Booliska koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale.
Taliyaha Ciidamada Booliska koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay tababarkani in uu ku saabsan barashada xuquuqda shacabka ay leeyihiin iyo xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo Askarta, waxaana loo qabanayaa Askar ka kala socota qeybaha kala duwan ee laamaha ammaanka, iyada oo uu socon doono mudo dhowr maalin ah.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay tababarka Ciidamada maanta loo furay in uu wax badan ka qaban doono amniga guud ee degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay ka hortagaan falalka la xiriira amni darada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo ururka Al-shabaab.