Deegaanka jeexdin oo duleedka bari kaxiga magaalada Gaalkacyo fariisinna ay ku leeyihiin Ciidanka Puntland ayaa xalay waxaa weerar kusooqaaday ciidamo ka yimaad dhanka Galmudug Dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba leh.
Taliyaha aaga Ciidanka Gobolka Mudug ee Puntland Cabdirashiid Qodhob oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay dagaalkaas ay si wada jir ah ay usoo qaadeen maleeshiyaad isku hadaf ah o ka kala tirsan Galmudug iyo Al-Shabaab .
Waxa uu sheegay inuu ahaa Weerar Fidno lagu Raadinayo, Islamarkaana ay wada Fuliyeen Xubno isugu Jira Al-shabaab iyo Galmudug, Islamarkaana uu dagaalku socday Mudo ku dhow Saacad.