Guud ahaan Dunida Muslimka ayaa maanta u dabaal degaaya maalinta koowaad ee Farxadda Ciidda ugu weyn Muslimiinta ee Ciidul Adxa, waxaana laga wada Ciidey dhammaan Wadamada Islaamka.
Ka Sokow Caalamka Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa laga tukadey Salaadda Ciidda, magaalooyinka qaarkood ayaa Shacabka waxay isugu soo baxeen Fagaarayaal waaweyn si hal meel loogu wada tukado Salaadda.
Degmooyin ku yaalla Shabeellada hoose qaarkood ayaan laga dareemin farxadda iyo damaashaadka Ciidda, sababo la xiriira amaan dari iyo xasilooni la’aan darteed.
Shabeelada hoose ayaa degmooyinka ku yaala qaarkood waxa maamula Kooxda Alshabaab oo caburin ku haaya Shacabka, waxaana ay ku qasbaan in ay qaataan awaamiirtooda aan salka ku laheyn diinta islaamka.