Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nuuciisa lagu sheegay Ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan Maqaaxi ku taalla Agagaarka Dahabshiil oo aan sidaas uga fogeyn Afar irdoodka.
Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan qaraxan in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo la qarxiyay xilli dad badan ay ku sugnaayeen Maqaaxida uu weerarka ka dhacay.
Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka hacay, si ay halkaasi uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa oo ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.
Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanada la xiriira iyo sidii ay u soo qab qaban lahaayeen raggii weerarkan ka dambeeyay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa la soo sheegayaa in uu jiro khasaare kala duwan oo qaraxa ka dhashay.
laakiin waxaa la sheegayaa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac oo qaar garaab ay yihiin.
Maamulada degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in hada ay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxan, dibna ay warbaahinta uga faah faahin doonaan
.