Xubno siyaasiyiin ah oo ka mid ah Golllaha Badbaadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku qabteen Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Ugu Horeeyn Cambaareyey Xarig Loo Geystey Siyaasiyiin ka tirsan Gollaha Badbaadada Oo uu ka mid yahay Nuur Maxamed Macalin (Bukurow), oo la sheegey inuu yahay Wakiilka Gollaha Badbaada KG Ee Degmada Baydhabo.
Kullanka Oo ay ka hadleen Gudoomiye Ku Xigeenka Gollaha Badbaadada KGS Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), Ex. Xildhibaan Mustafe Mukhtaar Iyo Siyaasiyiin kale ayaa Shirkaas Jaraa’id nuxurkiis Looga Hadley 3 Qodob oo kala ah; Cambaareynta Xariga Siyaasiyiinta , Ka Jawaabida in aan La Shiri Karin amar la’aanta Dowlad Goboleedka KGS iyo weliba in dhawaan Baydhabo Lagu qabanaayo Shir Weyne looga hadlaayo aayaha iyo Mustaqablka Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka qiib gali doonaan Ergo ka imaaneyso Degaanada KG Soomaaliya.
“ Maalintii Salaasadii 12/9/2017 abaaro barqadii waxa Baydhabo lagu rasaasayey Gaari ay saarnaayeen Siyaasiyiin uu ka mid yahay Nuur Maxamed Macalin (Bukurow) oo ah Wakiilka Gollaha Badbaadada KG Somalia Ee Baydhabo, Maxamed Nuur Aaden Cabdi ah Xubin ka mid ah Gollaha iyo C/laahi Shirfow Cabdi oo ah Taagyeeriyaasha Gollaha, markii la rasaasayey waxay aadeen Saldhiga Booliska si ay u dacweeyaan dadkii rasaasayey,waxaana lagu ridey in ka badan 10 xabadood, waxa la isku dayey in la khaarajiyo, markii ay ka sheekayeen wixii loo geystey, waxa loo sheegey in Ciidamaas uu soo direy Taliyaha Qiibta oo la doonayey in ayagu la soo xiro, iyagoo la soo dhibaatayey oo soo dacwoodey ayaa la xirey, lama arag lamana maqal qof la khaarijin rabey oo soo dacwoodey oo la xiraayo, sidaas daraadeed Siyaasiyiintaas waxay xiran yihiin 96 Sacaadood.” Ayuu yiri Aadan Saransoor.
Isagoo hadalkiis sii wata Siyaasi Aadan Saransoor ayaa yiri Mar kale
“ Qodobka 32aad , Farqadiisi 2aad Xuquuqda Eedeysanaha ;Eedeysanaha Laguma haayn karo meel aan qaynuunka baneynin waa in 48 saacood gudahood la geeya Garsoore, hadaba siyaasiyiintaas waxay xiran yihin 4 Maalmood bilaal Maxkamad, waxay ku xiran yihiin Sharci Daro, Waxa lagu dil rabey sharci daro, Marka Gollaha Badbaadada KG Somalia waxay rabaan in loo Sharxo Sababihii loo dili rabey , Loo xirey iyo Loo Horgeyn waayey Maxkamad, Maamulka Koonfur Galeed Somalia waxaan ugu baaqaynaa in Gorsoore horgeeyaan Siyaasiyiiinta siidaaya ma dhahayno waxaan rabaa sababaha in aan ogaano, Jawaab deg deg ah Ayaan ka sugeynaa KG Somalia oo Hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayuu yiri Aaden Saransoor “
“ Gollaha Wasiiradda KG Somalia iyo Madaxweynahooda maalintii arbacadii waxay soo saareen in Magaalada Baydhabo aan laga shiri karin oo aan looga hadlin Karin dhaliilahooda waxyaabaha ayagu laga tabanaayo aan la sheegi Karin; taasina waxaan kaga Jawaabeynaa Qodobka 24aad , farqadii 1aad Waxay sheegeysaa Xuriydda Kullumada iyo Banaanbaxyadda‘qofkasta wuxu xur u yahay inuu sameeyo kullamo iyo banaanbaxyo ku saleysan hab nabadgalyo, waase inuu wargaliyaa Hay’adaha ay khuseyso’ markaas Qodobkaas ayey Hareer Mareen Gollaha wasiiradd iyo Madaxweynahooda Shariif Xasan Sheekh Aadan; sidaas daraadeed waxyaabihiin ay soo saareen waxba kama jiraan” ayuu yiri Aadan Saransoor.
Dhina kale Gudoomiye Ku Xigeenka Gollaha Badbaadada KG Soomaaliya ayaa sheegey in dhawaan magaalada Baydhabo lagu qaban doono Shirweyne looga hadlaayo aayaha iyo Mustaqbalka KG Somalia, wuxuu Garab Weydiistey DFS, AMISOM iyo Beesha Caalamka.
“Gollaha Badbaadada KG Somalia wuxu iclaamiyey Shir wadatashi ah oo looga tashanaayo Aayaha iyo Mustaqbalka Goboladda KG Somalia, Shirkaas waxa la qaban doona Waqti dhow,waxaana lagu qabanaya Baydhabo ‘ Waxaan Dowladda Federaalka Somalia iyo Inta daneyneysa Habsami u socodka KG Somalia inay la socodaa arintaas, waxa qiib galayaan in ka badan 400 Ergo oo kala imaanaayo Goboladada KGS .. Marka sidaas daraadeeda Maamulka Shariif Xasan wuxu rabaa in uu carqaladeeyo Shirkaas, waqtiga shirka annaga soo sheegeynaa. Marka dowlada Dhexe, Beesha Caalamka iyo AMISOM waxaan ugu baaqeynaa inay la socodaan, hadii Wax dhibaato ah ka dhacdo Meesha lagu qabanaayo Shirkaa waxa mas’uuliyadeeda qaadi doona Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Aaden Saransoor.