Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ay Xildhibaanada Hir-Shabeelle xilka qaadista ku sameeyeen 14 Bishii la soo dhaafay ee August ayaa ka hadlay doorashadii Madaxweynaha ee ka dhacday Magaalada jowhar, Isagoo ku sugan dalka Kenya ayuu sheegay in uu gebi ahaanba qaadacay doorashadaas.
Sidoo kale Cosoble ayaa la weeydiiyay Su’aal aheyd maadaama Madaxweynaha Maanta la doortay aad iskuheyb tihiin in uu hiiraan tago bulshadana uu ka dhaadhiciyo in ay la Shaqeeyaan ma suurtagalbaa Maadaama adigu aad sheegtay in aad fadhi ka dhigatay Baladweyne waxa uu ku jawaabay.